Qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa xalay la keenay magaalada Muqdisho, kadib markii ay laba diyaarad u dirtay dowladda Soomaaliya.
Dadkan ayaa waxaa soo daabulay Hay’adda SODMA oo iyadu dhanka gargaarka u qaabilsan dowladda dhexe, waxaana laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Dhaawacyada la keenay ayaa gaaraya illaa 16 qof, kuwaas oo ay xaaladoodu liidato, waxaana la geeyay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa ay dhaawacyadu isugu jiraan Caruur, Dumar iyo Dad dhalinyaro ah oo qaba dhawacyo culus waxaana Garoonka Diyaradaha Aadan Cade uga hortagay Xildhibaano katirsan BJFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA.