Dowladda Mareykanka ayaa markale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, ayada oo abaalmarin lacageed oo cusub dul-dhigtay ku-xigeenka Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda).
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo dollar qofkii soo sheega xogta Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Naga caawi joojinta hoggaamiyahan muhiimka ah (ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab) ee argagixisada.”
Abuukara Cali ayaa Mareykanka horay ugu soo rogay cuna-qabateyn, ayada oo la raacayo qodobka (E.O.) 13224, kaasi oo cuna-qabateyn adag saaraya dadka ajnabiga ah ee halista weyn ku ah amniga muwaadiniinta Mareykanka ama amniga qaranka, siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha Mareykanka.
Sidoo kale Mareykanka ayaa isla sanadkaan ku dhawaaqay in ciddii keenta xogta hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab in la siin doono lacag dhan illaa $10 milyan oo abaalmarin ah, taasi oo la dul-dhigay madaxiisa.