Ciidamada danab oo howlgalo ka bilaabay deeganada hoostaga degmada walaweyn

0
249

Wararka ka imaanaya degmada walaweyn ee gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal ka sameeyay agagaarka degmada Wanlaweyn.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaano hoos yimaada degmada Wanlaweyn, halkaas oo mararka qaarkood lagu arko xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Cabdullaahi Mustaf Cali (Madaale Qaran), oo sheegay inuu jeedkooda uu yahay baacsiga Al-SHabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay isku fidiyeen dhul ballaaran oo ku yaalla halkaasi, si ay uga hortageen weerarada Al-Shabaab, una xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi.

Ciidanka ayaa sidoo kale inta ay howlgalka wadeen waxa ay la kulmeen qoysas reer guuraa ah oo ay soo barakaciyeen Al-Shabaab, kuwaas oo soo gaaray aagga Wanlaweyn.