Golaha musharixiinta koonfur galbeed oo madaxweyne xasan sheekh kulan kula soo qaatey magalada dhuusamareeb

0
130

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco deegaanada maamulkaas, isla markaana doorasho la aado bilaha soo socda ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, waxayna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha looga hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, hadana u sharaxan madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo garbihiisa ay taagnaayeen siyaasiyiintii u raacday Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Wasiir Fargeeti oo faahfaahin oa bixiyey waxyaabihii ay kala soo hadleen Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu horeyn ay Xasan Sheekh kaga soo tacsiyeeyeen geesiyaashii ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee hoggaamintiisa uu u joogo magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale wasiir hore Fargeeti ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u soo cadeeyeen inay ku garab taagan yihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana dhawaan ay K/Galbeed ka bilaabi doonaan abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee dagaalka oo ka bilaaba doona Jubbaland iyo K/Galbeed.

Intaas kadib, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha kala hadleen arrinta doorashada, iyagoo ka dalbaday in isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay qaataan doorka kaga aadan fulinta heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen ee Baydhaba looga gaaray muranka doorashada.

Warbixintaas kadib wasiir hore Fargeeti wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu siyaasiyiintaan isla socotay ka codsaday inay siiyaan waqti oo mar kale ay wadatashi ugu soo laabtaan.