Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta ka hadlay munaasabad xarigga looga jaray waddada Taleex ee degmada Hodan ayaa ku dhawaaqay go’aan farxad geliyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.
Madaale ayaa shaaca ka qaaday in bishan gudaheeda la furi doono dhammaan waddooyinka xiran ee caasimada, si culeyska looga yareeyo dadka shacabka ah.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in bishan October ay noqon doono bisha furista waddooyinka, isla-markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin deg-deg ah, ayaga oo kaashanaya xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta ammaanka oo markii hore keentay in la xiro jidad muhiim u ah shacabka, wuxuuna tilmaamay inay iskaashan doonaan hay’adaha amniga, maamulka gobolka iyo shacabka Soomaaliyeed.