Waxaa taagan muran xooggan oo salka ku haya arrinta doorashada madaxnimo ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhexeeyaya madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee u hanqal taagay inay kursiga ka qaataan.
Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa raba in uu fulo heshiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, waxayna shalay ka baaqdeen safar la filayay inay tagaan magaalada Baydhabo kadib dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan ayaa siyaasiyiinta markale ugu yeeray Dhuusamareeb, si wada-tashi loo yeesho, xilli halkaas uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.
Prof. Liibaan Ciise oo daraasaadka sare ka dhiga Jaamacadda Muqdisho oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xalka khilaafka taagan uu yahay in la wada-hadalo, islamarkaana la isla gaaro go’aanno ay labada dhinac ogol ka yihiin.
Sidoo kale waxa uu adkeeyay in sida ugu dhaqsaha badan wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, si markale uusan gacan ka hadal uga dhicin magaalada Baydhabo oo wajahaysa xaaladdo adag oo is-biirsaday.