Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay xaalad kacsanaan ah ay ka jirto deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo Shalay ay ku dagaalmeen laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.
Xiisada ayaa saakay si gaar ah u taagan deegaanka Xananbuure oo qiyaas ahaan u jira magaalada Dhuusamareeb 45 KM, halkaas uu shalay ka dhacay dagaal dhexmaray labada maleeshiyo beeleed oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa 7 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Xananbuure ee ku yaala Waqooyiga Dhuusamareeb.
Labada maleeshiyo beeleed ayaa wali lasoo warinaya iney isku horfadhiyaan deegaanka, waxaana dagaalkooda la sheegay inuu ka dhashay murun ka bilaawday Ceel biyood laga dhisayo deegaanka.