Wasiirka arimaha gudaha oo ka hadley dagaal beeleedyada ka socda dalka iyo cida ka dambeysa

0
217

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab iney ka dambeyso dagaal beeleedyada haatan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya in lagu ogaaday in si cad uga dambeeyaan hurinta dagaal beeleedyada dad shaar qabiil xiran, islamarkaana ka tirsan ama la shaqeynaya kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiir Fiqi in marar kala duwan heshiis la dhex dhigay beelaha qaar, hayeeshe heshiisyada oo aanan waqti yar xata kasoo wareegeen ay dib u bilaawdeen dagaal beeleedyada.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qeybo ka mid ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ay ka socdaan dagaal beeleedyo geystay khasaarooyin kala duwan.