Raysal wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uu sii xoojin doono dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas ee ka socda marinka Gaza.
Benjamin Netanyahu oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay qeybo ka mid ah dhulka Gaza ay kaga sugan yihiin ciidamadiisa ayaa ku hanjabay inuu burburin doono Ururka Xamaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay ka go’an tahay iney xoog kusoo furato maxaabiista ay gacanta ku hayaan Ururka Xamaas ee dagaalka culus kula jira ciidamada Israa’iiliyiinta.
Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaare Netanyahu ayaa la xariira in ciidamada Israa’iil ay balaarin doonaan duqaymaha aan loo meel dayan oo ay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka wadaan Marinka Gaza.