Ingineer ka tirsan shirkada hormuud oo qarax lagula beegsadey magalada muqdisho

0
197

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari uu lahaa Injineer ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Ninka Injineerka ee ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa ka badbaaday qaraxan oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro, maadaama uu gaariga qarxay kahor inta uusan soo fuulin.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibadda guriga injineerka Hormuud oo ku yaalla xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Khasaaraha ayaa sida hadda la xaqiijiyay ku kooban bur-burka gaariga, welina lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii November.