Madaxweynaha maamulka galmudug oo gudi u xilsaarey dagaalada ka socda gobolka galgaduud

0
261

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan dagaal beeleedka haatan kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi.

Qoor Qoor oo wareegto soo saaray ayaa haatan magacaabay guddi wasiiro ah oo ka kooban illaa 5 xubnood, waxayna kala yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, wasiirka gargaarka iyo wasiirka warfaafinta.