Itoobiya oo sheegey ineysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowlada somaliya oo ku aadan ka bixitaanka ciidamadeeda dalka somaliya

0
247

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, oo ku saabsan in Itoobiya lagu wargaliyay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ah ay kala baxayso Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Nabiu Tedla ayaa War-saxaafadeed ku sheegay, in warka ku saabsan inay ciidamada Ethiopia ka baxayaan Soomaaliya, ee uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, aysan waxba ka ogeyn arrintaas.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa sheegay in aysan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan.

Nabiu Tedla waxa uu sheegay in wada-hadallo la xidhiidha ciidanka bedeli doona Atmis aanay bilaabmin weli, isla markaana ay wali socoto wejigii koowaad.