Wasiirka diinta iyo awqaafta oo ka jawaabay cabasho kasoo yeertey qaar ka tirsan xujeyda sanadkan

0
233

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka timid.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay

Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

Wasiirka oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo fashilinaya Xajka, iyaga oo ka raadinaya dano kale, sida u hadalka u dhigay.

Isaga oo ka hadlayay dayaacadda la sheegay in lagu sameeyay xujeyda Soomaaliyeed ayuu ku jawaabay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan”.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay guddiga haatan shaqada wada iyo shirkadaha Xajka in looga baahan in ay daacad ka noqdaan shaqadooda, isla markaana ay Alle uga baqaan adeegga ay u hayaan shacabka.