Boliiska magalada muqdisho oo magalada ka mamnuucay in lagu dhex wato baabuurta aan taargaha laheyn

0
165

Taliska Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar cusub oo la dul-dhigay gaadiidka lagu wato gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Booliska ayaa shacabka caasimadda ku wargeliyay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 18/06/2024 aan la ogoleyn gaadiid bilaa taariko ah oo maraya waddooyinka magaalada Muqdisho, ama lagu dhex wato caasimadda.

Waxaa iska caadi aheyd sanadihii u dambeeyay in magaalada Muqdisho lagu arko gaadiid bilaa taariko ah, taasi oo meesha ka saarayo amarka booliska kasoo baxay, lamana oga inuu sidoo kale saameyn doono masuuliyiinta dowladda ee iyaguna wata baabuur bilaa taariko ah.

Booliska caasimadda ayaa muddooyinkii dambe qaadayay tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, kaasi oo qeyb uu ka yahay amarka uu maanta soo saaray.