Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey 8 qaraar

0
50

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu soo diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya.

Qaraarkan ayay dowladdu sheegtay in looga gaashaamanayo khataraha halis galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarkan uu ka tarjumayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaranka.

Qaraarkan oo ka kooban 8 qodob oo aan faahfaahin dheer laga bixin, ayaa golaha xukuumadda oo yeeshay shirkoodii todobaadlaha kusoo dhoweeyeen qaraarkan, iyagoo ansixiyay.

Waa kuwan qodobada ku xusan qaraarka amniga.

1- Argagixisada.

2- Aragtida Gooni-goosadka.

3- Dowlad-nugeylka.

4- . Xuduudaha Beylahda.

5- Faragelinta Shisheeye.

6- Isbeddelka Cimilada.

7- Khatarta Tiknoolajiyadda.

8- Khataraha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here