Ciidamada Nisa oo weerar ku qaadey xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan alshabab

0
87

Ciidamada Nabad-suddiga Soomaaliya oo maanta qaaday weerar culus ayaa soo dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degmada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha NISA ee Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay guutada 14 October ee fadhigoodu yahay gudaha magaaladaas, waxayna beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyaha Nabad-sugidda Marka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii hore ay madaafiic ku garaaceen saldhigyada Al-Shabaab, kadibna ay ku qaadeen weerar toos ah, kaas oo uu tilmaamay in maleeshiyaad iyo horjoogayaal ay uga dileen.

Maxamed Sheekh Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay inay howlgaladdooda ku gaareen deegaanada Sagaaroole, Cadceed, Farange iyo Buundo Libaax oo dhammaan hoostaga magaallo xeebeedka Marka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulkaasi.