Somaliya iyo jabuuti oo kala saxiixdey heshiis iskaashi ee dhinaca warbaahinada qaranka

0
117

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi wada-shaqeyn iyo mataaneyn ah warbaahinnada qaranka ee labada dal.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada ee Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan iskaashi.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada wasiir, iyadoo ugu horeyn wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo warbaahinta qaranka labada dowladood.

Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti warbaahinnada qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti u saxiixay agaasimaha guud ee raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Rashiid.