Egypt airline oo maanta duulimaadkeedii ugu horeysey ku tagtey magalada muqdisho

0
75

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha dalka Masar Dr. Badr Abdelatty ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Munaasabada lagu daah furaayay duulimaadka cusub ee Egypt Air oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wasiirka Duuliska Hawada ee dalka Masar Dr. Sameh Al-Hafni.

Munaasabadaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa masuuliyiinta ka hadashay waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya, waxaana talaabadaan ay noqoneysa mid u wanaagsan labada dal.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in duulimaadkaan tooska ah uu dalka u leeyahay faaidooyin kala duwan oo la xariira dhanka kobca dhaqaalaha, isdhaafsiga iyo wax isweydaarsiga ganacsi ee labada dowladood.