Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.
Kulankan oo Swan uu ku wehlinayay ku-xigeenkiisa ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horu-tabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka.
Ergeyga ayaa dhankiisa guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka.
Ugu dambeyntiina guddoomiye Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay taageeradooda Soomaaliya joogtada ah.
Waxaa uuna tilmaamay guddoomiyaha in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmaya ay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.