Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ciqaab adag uu la kulmi doono qof walba oo xiriir wicitaan ah la sameeyo qof shabaab ah, xata hadii ay ehel ama qaraabo yihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay iney dambi tahay la macaamilka dadka ku jira kooxda Al-shabaab, islamarkaana looga digayo dadka Soomaaliyeed iney la tacaamulaan Al-shabaab.
Talaabadaan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay iney tahay mid lagu adkeynayo sharciga la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhamaan deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab iney wali ku jiraan gacanta dowladda oo aysan jirin hal deegaan oo ay dib ugu soo laabatay kooxda.
Go’aankaan cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo horey dowladda u mamnuucday in lala macaamilo kooxda Al-shabaab, waxaana tallaabadan ay noqoneyso mid lagu sii xoojinayo amarka in aan wax macaamil ah lala sameyn karin kooxda Al-shabaab.