Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS iyo Maamul goboleedyada oo shir uga furmey magalada muqdisho

0
105

Waxaa maanta shir uga furmay magaalada Muqdisho Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, Guddiyadda heer Qaran iyo heer maamul Goboleed ee Shaqaalaha Rayidka.

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa dib- u- habeynta Maamulka Shaqaalaha Dowladda iyo horumarinta Maamulka Shaqada iyo shaqaalaha Dowladda labadeeda heer. Waxaa sidoo kale lagu gorfeyn doono horumarinta sharuucda iyo casriyeynta siyaasadda jaangoynta darajooyinka mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay dhisada iyo horumarinta xirfada iyo dib u habaynta Shaqaalaha Dowladda Labadooda heer.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay sida muhiim u tahay wadashaqeynta iyo isku xirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada labada heer ee Dowladda iyo Guddiga Shaqaalaha Qaran ee Rayidka ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba.