Kusimaha argeyga gaarka ah ee qaramada midoobey oo ka hadley khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo puntland

0
147

Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe ayaa war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhexeeya dowladda iyo Puntland.

Swan oo faah-faahiyay kulan uu la yeeshay madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac inay si hoose uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah, ayna soo celiyaan wada shaqeyntoodii oo hadda meesha ka baxday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal loogu helo xiisadda taagan

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskooda ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhii tahay in lagu gudbo khilaafka haatan jira.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka deegaanka ee looga diyaar garoobayo deegaanada Puntland, wuxuuna u rajeeyay guul.

Dhankiisa Saciid Deni ayaa la wadaagay James Swan aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira.