Wasiirka wasaarada arimaha dibada oo si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeerey la taliyihii amniga ee farmaajo

0
125

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaab celiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Lataliyahii amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, kaasoo ahaa in dowladda hadii aysan iska dhicin karin Itoobiya iney u baneeyso Al-shabaab.

Wasiirka Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa X ku daabacay ku sheegay in Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa Lataliyahii amniga ee madaxweyne Farmaajo hadalkiisa uu ahaa mid muuqdo inuu caadi ka dhigayo fikirka xagjirka ah ee kooxda Al-shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Lataliyihii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada, kadib falcelin xoogan oo ka dhalatay soo jeedinti Cabdisaciid Muuse oo aheyd in dowladda hada jirta iska dhicin karin Itoobiya ayna tahay in meesha u baneeyaan kooxda Al-shabaab si ay Itoobiya isaga dhiciyaan.

Gabagabadii soo jeedinta Lataliyahii hore ee madaxweyne Farmaajo waxa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay Siyaasiyiin iyo dad badan oo Soomaaliyeed.