Faahfaahin dheeri ah oo kasoo bexeysa qarax xaley ka dhacay maqaaxi ku taala degmada boondheere

0
127

Qaraxa xalay ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaa loo adeegsaday Gaari ay alshabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay banaanka maqaayadda.

Warbixinta hordhaca ah waxay sheegeysaa in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa, waana socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, Maqaayadda ayaa gubatay.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyey, balse aysan kala cadey karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhameed toona.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socday saacado, waxaana lagu guuleystay in la deminayo dabkii weynaa ee ka dhashay qaraxa, kaas oo maqaayadda qabsaday.