Taliyaha ciidanka asluubta oo sheegey in taalo geesinimo gudaha xabsiga looga dhisi doono dable Xasan Xuseen

0
114

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in furahayahii Xabsiga dhexe ee lagu dilay weerarkii Xabsiga Dable Xasan Xuseen Raage in taalo geesinimo looga dhisi doono gudaha Xabsiga.

Dable Xasan Xuseen oo ahaa furahayaha Xabsiga ayaa waxaa toogasho ku dilay ragii hubeysnaa ee ka dhex dagaalamay Xabsiga, kadib markii uu ka diiday in furaha xoog uga qaataan maxaabiista hubeysneyd ee ka tirsana Al-shabaab.

Ragii hubeysnaa ee dilay furahayaha Xabsiga ayaa qorshahooda fashilmay wuxuu ahaa in furayaasha xabsiga helaan si ay halkaas uga baxsadaan, waxaana arrintaasi ka biyo diiday Dable Xasam Xuseen Raage oo furahii uu haayay ku tuuray banaanka Xabsiga.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in furahayaha Xabsiga dhaxe ee la dilay uu sameeyay naf hurnimo, wuxuuna xusay in loo dhisi doono taalo geesinimo, islamarkaana la dalacsiin doono darajadiisa isagoo dhintay.