Dowlada oo warmurtiyeed kasoo saartey hubka lagu dhacay degmada caabudwaaq

0
115

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay hubkii shalay lagu bililiqeystay deegaan hoostaga magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay maleeeshiyaad deegaanka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ay la socdeen hubkaas, waxayna sheegtay inay si sharci darro ah dalka kusoo galiyeen ganacsato, balse markii laga war helay kadib ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee ku sugan aagga gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada amniga oo la wareegay gawaarida ay waddada usii galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay u suuragashay inay la wareegaan qaar kamid ah hubka, sida ay ku caddeysay warsaxaafadeedkeeda.