Wasiir ku xigeenka maamulka galmudug oo ka hadley hub ay xoog kula wareegeen maleeshiyaad kasoo jeeda demada caabudwaaq

0
105

Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday markii Labo gaari oo xamuul ah oo siday hub ka yimid dalka Ethiiopia ay ku dagaalameen ciidamo ilaalo ka ahaa hubkaas, iyo maleyshiyaad kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Maleyshiyaadka deegaanka ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen guud ahaan hubkaas oo isugu jiray nuucyo kala duwan.

Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug, Cali Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay BBC Soomaali, ayaa u sheegay in baabuurta hubka sidday markii hore lagu sheegay inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, balse wuxuu sheegay in mar dambe uu yimid tuhun, kaasoo keenay in malayshiyaadka degaanku ay jid gooyo ugu dhigtaan deegaanka Shiilo Madow, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay ilaalada hubka iyo maleyshiyaadka.

Wasiir ku xigeenka amnigu wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababta loosoo galiyay Galmudug. Wuxuu sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah. Isagoo tilmamay inuu qeyb ka qaadan karo colaadda gobolka.