Ciidamo macawisleey ah iyo alshabab oo ku dagaalamay deegaano hoostaga gobolka galgaduud

0
138

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo xalay ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kaas oo ay ku gaarsiiyeen jab xoogan.

Ciidamada deegaanka ayaa beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanada Budbud iyo Ceel Cali Xasan, waxaana kadib xiga dagaal toos ah uu dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Jowle oo ah halka ay weerarka ku qaadeen.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay soo bandhigi doonaan khasaaraha ay maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaas u gaysteen.