Maamulka galmudug oo warsaxaafadeed kasoo saarey hubkii lagu dhacay degmada caabudwaaq

0
193

Maamulka Galmudug ayaa sheegay hubkii maalmo ka hor gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed ee kasoo jeeda Cabudwaaq, inuu ahaa hub sharci darro ah oo loo waday in loogu adeego danahada kooxda Alshabaab, iyo iska horkeenidda shacabka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inuu maamulku tallaabo ka qaadi doono cid walba oo ku lug lahayd hubkaas in lasoo galiyo gudaha deegaanada Galmudug.