Wefdi ka socda dowlada federaalka oo goor dhaweyd gaarey degmada caabudwaaq

0
156

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta goor dhaweyd gaarey gaarey u degmada Caabudwaaq si ay xal uga gaaraan arimaha hubka la deegaankaasi lagu lunsadey.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Fartaag, ayada oo halkaas si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshada deegaanka, xilli Isniintii duleedka degmadaas lagu bililiqeystay hub fara badan oo u gacan galay shacabka.

Wasiir Fartaag iyo wafdiga uu horkacayo ayaa Caabudwaaq u tegay qorshaha dowladda ee soo celinta hubkaasi, ayaga oo la fariisan doona waxgaradka deegaanka, oo ay kala hadlayaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee haddana u gacan galay shacabka.

Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisaddii ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda.