Reysulwasaare Xamsa oo gaaray magalada kismaanyo

0
100

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa usii gudbi doona deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadden saldhigyada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayada oo halkaasi looga adkaaday maleeshiyaadka kooxda.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inay ka qeyb noqdaan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si ay ula kulmaan ciidamada iyo saraakiisha dagaalka la galay Shabaabka.