Shirweynaha culumada soomaaliyeed oo maalintii labaad ka socda magalada muqdisho

0
185

Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo “sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah.”

Shirweynaha culimada oo ay ka qeyb galayaan culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ajendaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago khilaafaadka umadda Soomaaliyeed, loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daanaya, lagana shaeeyo masaalixda guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in doorka culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda umadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rejo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan kasoo bixi doonto.

Madaxweyne Xasan oo shalay furay shirweynahan ayaa culimada ku adkeeyey in ay xoojiyaan wacyi-gelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.