Khilaafka u dhexeeya ahlusuna iyo wasiirka diinta iyo awqaaafta oo meel fog gaarey

0
226

Khilaafka u dhexeeya culimada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sii xoogeystay, waxaana arrinta uga sii daray shirka culimada ee haatan ka socda Muqdisho, kaas oo aysan qayb ka ahay Ahlu Sunna.

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay iska diideen ka qayb-galka shirweynaha culimada wuxuuna sababta ku sheegay in la dhaqan-geli waayay qodobo kasoo baxay shirkii hore oo ay ka qayb-gashay Ahlu Sunna.

Sidoo kale wuxuu eedeymo culus u jeediyay wasiir Mukhtaar Roobow oo uu sheegay inuu burburiyay guddigii sare ee culimada, sidoo kalena uu abuuray khilaafaad ka taagan qaar kamid ah masaajidda ay maamulaan Ahlu Sunna oo la’isku haysto.

Sheekha ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin wasiirka hadda jooga ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, wuxuuna ugu baaqay madaxda dalka inay arrintaan soo farogeliyaan si xal loogu helo.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay wasiirka inuu xoogga saaray oo kaliya fikirkiisa iyo sidoo kale culimada ku fakirka ah, isla markaana ay meesha ka baxday taladii la wada lahaa.