Kulanka golaha wasiirada oo maanta lagu ansixiyey qodobo dhowr ah

0
120

Kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraal Soomaaliya ayaa looga hadlay maanta arrimo badan oo muhiim ah, waxaana shir guddoomiyey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyey wax ka beddelka sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo u dhexeeya hay’adaha kor joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Waxaa sidoo kale Golaha wasiirada ansixiyeen Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Wasiiradda Gaashaandhiga, Amniga gudaha iyo wasaaradda arrmaha gudaha ayaa kulanka looga dhageystay warbixino la xariira xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan halka uu marayo barnaamijka xasilinta goobaha ay ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka kala wareegeen Al-shabaab iyo howlgalada ka dhanka ah Kooxda.