Ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan somaliya oo cambaareeyey weerarkii liido

0
145

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo galaaftay nolosha dad gaaraya 32 qof oo u badan dad rayid ah.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka.

Weerarkii habeenkii Jimcaha dhacay ayaa ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee dalka ka dhaca tan iyo qaraxii Soobe labo ee bishii Oktoobar 2022, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo qof.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo dhacay habeennimadii Jimcaha, waxaana uu ahaa weerar ismiidaamin ah, kadibna waxaa xigay dagaal dhexmaray Alshabaab iyo ciidamada ammaanka.