Reysulwasaare xamsa oo sheegey in xabsiga la dhigey saraakishii shaqada ku lahaa goobihii la weerarey

0
162

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Hadalkaan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay, kaddib markii uu xalay ku booqday isbitaalka Erdogan qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacmay weerarkii Shabaabku ka geysteen Xeebta Liido,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii Alshabaab lagu jabiyey goobaha dagaalka in ay beegsasdeen dhallinyaro si nabad ugu caweynayey dalkooda.

Xamse ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.