Wasaarada caafimaadka oo sheegtey iney korortey qasaarihii ka dhashay weerarkii liido

0
190

Wasaarada Caafimaadka dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday xeebta Liid ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarkii Liido ay gaartay 37 ruux oo shacab ah, halka dhaawacuna uu gaaray 247 ruux.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradiisa ay wado qorshe ku aadan sidii Caafimaad dalka dibaddiisa ah loogu diri lahaa dadka qaba dhaawacyada daran ee aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu murugada badnaa ee sanadkaan gudahiisa ka dhaca gudaha dalka, kaasoo lagu dilay dad u badna dhalinyaro oo dhamaantood shacab ahaa, waxaana masuliyada weerarkaas sheegtay kooxda Al-shabaab.