Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo walaac ka muujiyey weerarkii alshabab ee jimcihii lasoo dhaafay

0
133

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii kooxda Al-shabaab Jimcihii lasoo dhaafay ka geysatay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday weerarkii lagu dilay dadka Shacabka ahaa ee kooxdu ku beegsatay Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis oo ay ku dishay ilaa 40 ruux oo u badnaa dad dhalinyaro ahaa.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Antonio Guterres ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ku qaaday Jimcihii Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 40 ruux, islamarkaana ku dhaawacmeen 247 ruux sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya.