Dowlada turkiga oo xal ka keentey Khilaafka dhinaca bada ah ee u dhexeeya somaliya iyo itoobiya

0
107

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadkan si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay heshiiska ay la saxiixatay maamulka Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul.

Hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Turkiya ayaa yimid todobaad ka dib markii uu booqday magaalada Addis Ababa oo uu la kulmay raysal Wasaare Abiy Ahmed.