Madaxweynaha dowlada federaalka oo sheegay in dalka laga qaban doono doorasho qof iyo cod ah

0
149

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo cabashada la xariirta dhaqaale xumo oo maalmahan laga hadal haayay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dheeraaday ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in dalka uu galayo doorasho qof iyo cod ah oo aysan jirin wax ka noqosho ama ka tanaasulid ah, wuxuuna ku celceliyay iney ka go’an tahay dowladiisa qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya khudbadiisa kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay in dowladiisa muhiimad gaar ah ku bixineyso, wuxuuna xusay in marnaba uusan joogsan doonin dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda.

Waxyaabaha madaxweyne Xasan Sheekh khudbadiisa uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa cabasho maalmihii lasoo dhaafay kasoo yeeray dhalinyarada ku nool Muqdisho, taasoo la xariirtay Shiid ama dhaqaale xumo.