Madaxweynaha dalka turkiga oo khadka telfonka kula hadley reysulwasaraha itoobiya

0
119

Dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo arrintan toos usoo farogeliyay ayaa xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka ay qaadayso Itoobiya oo meesha ka saaraysa wel-welka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ay fududeynayaan hannaan wada-hadal oo dhab ah.

Itoobiya ayaa sidoo kale aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.