Madaxweynaha maamulka somaliland oo ka hadley heshiiska uu turkiga ku dhexdhexaadinayo somaliya iyo itoobiya

0
119

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada berbera, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in heshiis ay dowlada Soomaaliya gashay laga fuliyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa faragalin ku tilmaamay soojeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, uu Jimcihii ku sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku dhamaan karo Itoobiya oo arrimaha badda kala hadasha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in anay suuragal noqon doonin marna in Somaliland looga taliyo magaalada Muqdisho “Waa cad ceed galbeed kasoo baxday in Somaliland looga taliyo Xamar” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wadahadal uga furmayaa magaalada Ankara maalinta Isniinta, wadahadalan oo uu Turkigu dhexdhexaadiye ka yahay ayaa la sugaya waxa kasoo bixidoona.