Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arimaha dibada oo gaarey dalka turkiga

0
125

Wafuud ka socota dowladda Soomaaliya ayaa gaaray dalka Turkiga ka hor wadahadallo heer sare ah oo ay la yeelanayaan Itoobiya, kaasoo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaafka ka dhashay heshiiska dhinaca badda ee Ethiopia ay la gashay Somaliland.

Wajiga labaad ee wadahadalka oo Isniinta ka furmaya magaalada Ankara, ayaa calaamad u ah dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga. Tan iyo markii ay Itoobiya qalinka ku duugtay bishii Janaayo heshiis 50 sano ah oo ay ku kireynayso 20 kiiloomitir oo ka mid ah xeebaha Somaliland.

Isagoo Sabtidii khadka taleefoonka kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in Turkiga ay ka go’an tahay in la qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Wuxuu ku booriyay Itoobiya inay qaado tillaabooyin wax looga qabanayo tabashooyinka Soomaaliya, taasoo uu rumeysan yahay inay wax weyn ka tari doonto hannaanka dhexdhexaadinta.

Turkiga ayaa si cad u xaqiijiyey Soomaaliya in dadaallada socda ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Turkiga, oo ah waddan saaxiib dhow la ah Soomaaliya, ayaa dhabarka u ritay wada xaajoodka diblumaasiyadeed. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo soo agaasimay wareegii koowaad ee wada-hadalladii ka dhacay Ankara bishii hore, ayaa mar kale hoggaanka u haya wada hadalada.