Lafta gareen iyo Qoor qoor oo xaley kulan ku dhax marey madaxtooyada maamulka koonfur galbeed

0
126

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xalay labada madaxweyne ay yeesheen kulan saacado badan qaatay oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa si gaar ah uga arrinsaday doorashooyinka kusoo wajahan maamulladooda, uuna dhammaaday muddo xileedkooda, ayna kusoo wajahan tahay doorasho ay tartan adag ku wajihi doonaan.