Qaraxyo gelinkii dambe ee shaley ka dhacay degmada jalalaqsi

0
110

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo Shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad waxa uu ka dhacay barkoontarool oo ku taala Galbeedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnayeen ciidan dowlada, halka mid ka labaadna uu ka dhacay meel aan ka fogeyn koontaroolkaas oo ay ku sugnayeen ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Labada qarax ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen laba askari oo ciidanka xoogga ah iyo laba kale oo ka mid ah ciidanka Macawiisleyda, waxaana ku dhaawacmay 5 ruux oo kale oo isugu jira ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka.

Qaraxyada kadib askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgalo ka sameeyay goobaha ay ka dhaceen qaraxyada miino, hayeeshee lama soo warin cid ay ku soo qabqabteen howlgalkaas.