Somaliya iyo Itoobiya oo maanta wadahadalo uga furmey dalka turkiga

0
118

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah wadahadaladii labaad uu kaga ka billaabanayaa magaalada Ankara si loo qaboojiyo xiisadda ka dhextaagan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wadahadalladan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay Itoobiya galaangal ugu yeelan lahayd biyaha Soomaaliya, iyadoo aan la carqaladayn madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee deriska ayaa markii ugu horreysay ku kulmay Ankara bishii tagtay ee 1-dii Luulyo, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu dhexdhexaadiye ka ahaa.

Dhinaca kale, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkigu wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya. Erdogan wuxuu sheegay in Ankara ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.