Alshabab oo saaka weerar ku qaadey saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen degmada balcad

0
108

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar aroornimadii hore ee saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin duuleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarka oo ka dhacay Saldhig lagu magacaabo Ilbaq ayaa lasoo wariyay inuu ku bilawday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka duuleedka degmada Balcad ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ayaa lasoo sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka saakay ka dhacay duuleedka degmada Balcad.