Kulankii somaliya iyo itoobiya ugu socdey magalada ankara oo bur bur kusoo idlaadey

0
118

Waxaa burburay wada hadaladii dadbanaa ee ergooyinka Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee Turkiga. Wadahadalada ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhamaadeen iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin natiijadooda.

Wararku waxay sheegayaan in lagu ballamay kulan saddexaad in la isugu yimaado Ankara. Welise lama xaqiijin sababaha keenay in heshiis lagu gaari waayo wada xaajoodka uu turkigu gadaal ka riixayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay Ethiopia mar kale ku adkaysatay in aysan ka noqon doonin heshiiska is-afgaradka ah ee ay la gaartay maamulka goonigoosadka ah ee Somaliland, si ay usoo gasho biyaha Soomaaliya.

Wafuudda Soomaaliya ku malataysa shirkaan oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Ambassador Axmed Macalin Fiqi, ayaa lagusoo waramayaa inay meel adag ka istaageen mowqifkooda ku aaddan in aanay diyaar u ahayn inay Ethiopia la galaan wada xaajood fool ka fool ah illaa inta Ethiopia ka noqonayso heshiiskii January 2024.