Ciidanka boliiska oo soo xirey askari boliiska saldhiga degmada hodon

0
313

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray askari ka tirsan saldhigga degmada Hodan oo shalay fal argagax leh ka gaystay Muqdisho, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootooyinka Bajaajta.

Askariga oo lagu magacaabo Dable Farxaan Axmed Cismaan ayaa baabuur Cabdile ah ku dhuftay Mooto Bajaaj uu watay wiil dhalinyaro ah, wuxuuna ula dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada, taas oo ay ka caroodeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Muuqaal ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo darawalka mootada oo dhulka kusii dhacaya, Cabdilaha oo gadaal uga imaanayo mootada, waxaana kadib lasii arkayaa askari soo tagay oo qoray ku qabanaya dhammaan dadkii ku sugnaa goobta.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo arrintan soo farogeliyay ayaa sheegay in lasoo xiray eedeysanaha, wuxuuna ballan qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si tallaabo looga qaado.

Dhinaca kale Booliska ayaa digniin kasoo saaray in dibadbax aan sharci ahayn lagu qabto magaalada Muqdisho, waxayna tilmaameen inay ka dhalan karto fowdo dhalisay khasaare kala duwan.