Madaxweynaha dowlada federaalka iyo wefdi uu hogaaminaayo oo booqasho ku tegey dalka masar

0
111

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaas Cabdifatax El sisi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Qaahira waxa uga bilaabanaya booqasho rasmi ah oo laba maalmooda, waxaana mudada ay joogaan Qaahira kulamo laba geesood ah la yeelan doonan Madaxweynaha dalkaas iyo masuuliyiinta sar sare ee dalka Masar.

Kulamada labada dhinac wada yeelan doonaan ayaa diiradda lagu saari doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar iyo danaha wadajirka ah ee xaaladda guud ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugna magaalo madaxda dalka Rwanda ee Kigali oo uu uga qeyb galay caleema saarkii madaxweynaha dalkaas Paul Kagame, isagoona Xalay uga sii gudbay Qaahira.